Jawaari oo Cambaareeyey Weerarkii Argagixiso ee Shalay ka dhacay Muqdisho

jawaari

Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Xildhibaan Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) ayaa cambaareeyay qaraxii maleeshiyaadka Al shabaab ay ka geysteen meel u dhow dhismaha Wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada ee Soomaaliya, halkaasoo ay ku geeriyoodeen dad aan waxba galabsan oo uu ku jiro Allaha ha u naxriistee Xildhibaan Saqar Ibraahim Cabdalla oo Sidoo kale ahaa wasiir ku xigeenka wasaaradda shaqada iyo Arrimaha bulshada.

“Innaa lillaa wa innaa ileehi raajicuun Allaha ha u naxriisto dhamaan dadkii ku geeriyooday falkaasi ay argagixisadu geysatay oo uu ku jiro wasiirkii ku Xigeenkii wasaaradda shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xildhibaan Saqar Ibraahim Cabdalla, Naxriistii jano Allaha haka waraabiyo intii kale ee ku dhaawacantayna bogsiimo deg deg Allaha ha siiyo” ayuu yiri Guddoomiyihii hore ee golaha Shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Waxa uu Sidoo kale ku amaanay Ciidamada amaanka qaranka sida ay usoo gaba gabeeyeen tiro dhagar qabayaal oo isku dayay in ay gudaha u galaan dhismaha wasaaradda si ay u laayaan howlwadeenada wasaaradda iyo dadkii kale ee gudaha dhismaha ku jiray kuwaas oo ciidamada amaanka ay toogteen inta aysan gaarin dhagartii ay damacsanaayeen.

Ugu dambeyn Xildhibaan Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay la shaqeeyaan hay’adaha amaanka, si looga hortago dhagaraha kooxaha nabad diidka ah islamarkaana loo cirib tiro.Did you like this? Share it:

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.