Dhul Gariir aan waynayn oo ka dhacay Kenya

Wararka ka imaanaya magaalada dalka Kenya ayaa sheegaya inuu dhul gariir uu ka dhacay magaalada Nairobi iyo Magooliyin kale.

Qeybo kamid ah xaafadaha magaalada Nairobi ayaa lagu waramayaa in dhul Gariirka laga dareemay, waxaana cabsi xogan ay soo wajahday shacabka ku nool magaalada Nairobi.

Waaxda Saadaasha hawada ee dalka Kenya ayaa shaacisay gordhow in dhul gariirka ku dhuftay Kenya gaar ahaan Nairobi uu cabirkiisa gaarayo 4.8 oo ah qiyaasta cabirka dhul gariirka.

Dadka ku sugan Mombasa, Malindi, Kilifi, Lamu, Diana iyo deegaanada saaran Xeebta ayaa waxaa soo food saartay cabsi kaga imaanaysa inay bada kusoo fatahdo.

Soomaali badan oo ku sugan xaafadda Islii ayaa cabsi dareemay iyadoo bannaanada u soo baxay kana degay daaraha waaweyn markii dhulgariirka la dareemay.

ilaa iyo hada lama soo sheegin wax qasaaro ah oo uu gaystay Dhul gariinkaan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.