Madaxweyne Farmaajo oo tacsi u diraya dhammaan Muwaadiniintii dhibaatadu kasoo gaartay falalkii argagixiso ee maanta dhacay Muqdisho.

Madaxweyne Mohamed Abdullahi Farmaajo oo tacsi u diraya dhammaan Muwaadiniintii dhibaatadu kasoo gaartay falalkii argagixiso ee maanta dhacay ayaa yiri.

”Innaa Lilaahi wa innaa ilayhi raajicuun. Alle ha u naxariisto dhammaan dadkii ku shahiiday falalkii waxshinimada ahaa ee maanta dhacay oo uu kamid ahaa Xildhibaan Saqar Ibraahim Cabdalla oo ahaa Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.

Wasiirku waxa uu ahaa nin afgaaban, edeb badan, waddani ah, dalka iyo dadkana ugu adeegay si daacadnimo iyo hufnaan ay ka muuqato.

Waxaan rabaa inaan ummadda Soomaaliyeed la wadaago in shacab iyo ciidanba loo midoobo kooxaha argagixisada ah ee maalin walba doonaya in ay daadiyaan dhiiga shacabka Soomaaliyeed, burburiyaan hantidooda, barakiciyaana maatida si aysan u hana qaadin dowladnimadeeda.

Sugidda nabadgalyada waa masuuliyad saaran ciidamada iyo hay’adaha amniga, waana in ay dardargeliyaan hawlaha loo igmaday si looga hortago dhagarta ay kooxaha argagixisada ahi la maagan yihiin shacabka Soomaaliyeed, shacabkuna waa in ay gacan ka geystaan sugidda nabadgelyada.”

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.