Guddoomiye Tuulax oo xalay kormeeray hanaanka suggida ammaanka Degmada Wadajir

Tuuax

Gudoomiye Ku-xigeenka dhanka ammaanka iyo
Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir Maxamed C/laahi Tuulax ayaa xalay
kormeer ku sameeyay hanaanka loo suggo ammaanka Degmada Wadajir.

Gudoomiye Tuulax oo uu wehliyo Gudoomiyaha Degmada Wadajir Cumar
Cabdulaahi Xasan iyo Taliyaha Qaybta Galbeed ee Ciidanka Booliska
Somaliya Yuusuf Xundubey, ayaa u kuurgalay Afarta Waaxood ee ay ka
kooban tahay Degmada Wadajir.

Masuuliyiintaan ayaa socod lug ah ku maray dhamaan Afarta Waaxood ee
Degmada Wadajir, halkaasi oo ay ku soo arkeen Ciidamada ammaanka oo
shaqeynaya, islamarkaana ku jira xaaladda suggida ammaanka shacabka
Degmadaasi.

Gudoomiyaha ayaa Ciidanka ku dhiirageliyay inay sii laba jibaaraan
masuuliyadda ka saaran suggida ammaanka, si shacabka Somaliyed ee
Degmadaasi ku nool nabad ay ugu seexdaan uguna soo toosaan.

Gudoomiye Tuulax ayaa sheegay Kormeerka suggida ammaanka Degmooyinka
inuu yahay mid joogto ah oo loogu kuur galaayo, xilliyada habeenkii &
maalintii sida ay u shaqeeyaan Ciidanka amniga ee Degmooyinka Muqdisho
ka hawlgala.

“Kormeerkaan ayaa ah mid joogto ah oo aan ku sameyn doono laamaha kala
duwan ee amniga xiliyada maalinkii iyo habeenkii si aan u hubino
shaqada iyo wada shaqaynta dhaxdooda ah.” Ayuu yiri Gudoomiye Tuulax.

Ciidanka amniga ee ka hawlgala Degmooyinka Gobolka Banaadir, ayaa
habeen iyo maalin u taagan suggida ammaanka Degmooyinka & ka hortagga
falalka guracan ee Kooxaha  Nabaddiidka ay soo maleegaan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.