Dhageyso:Maxaad Kala socotaa Sababta Ciidamada Kenya Uha Baxayaan Jubbaland

jimcaale

Waxaan la soconaa in ay ka guureen baro ciidan oo fariisimo muhiima ahayd ciidanka Keenya Maamulka Jubalaand waxaana isweydiin mudan DFS, siyaasiyiinta Jubalaand iyo shacabkuba  in is weydiiyaan sababta ka denbeysa arinkaas iyo waxa ku soo beegay waqtigaan.

Waxaan la soconaa in doorashadii jubalaand ay ka hartay bilo kooban waxaan kaloo ka dheregsan nahay habkii ay u dhisantay Jubalaand oo ka duwanayd dhammaan maamul goboleedyada waxaan ayadana caad saarneyn in Gobolka J/Dhexe iyo qaybo J/Hoose ah ay gacanta ka maqan yihiin Meesha yanaan ka saarin in Jubalaand ay ka jirto xukun nin kaliya(ONE MAN RULE.


Madaxweyne ismagacabay kuxigeeno asagu magacaabay, wasiiro uu magacaabay iyo baarlamaan asagu keensaday oo macmil ah oo midkii la doono la xiri karo ama la masaafurin karo hadaw dhaga adayg la yimaado iyo tastuur qof kaliya samaystay oo la haystayaal gacanta u taageen.

Maamulka Jabalaand ee ka arimiya Kismaanyo , Afmadoowna hawada u mara iyo Keenya oo shirkad ku ah Jubalaand ka bixitaanka ciidamada keenya goobaha aan ahayn JUbabada Hoose waxay ka dhigan tahay meel kale wax laguma dooran karo xildhibaanadana waxaa lagu xulayaa Kismaanyo oo kaliya.

Sidaas awgeed beelaha Jabaland dadka danaynaya in ay noqdaan

xildhibaano raga musharaxiinta madaxtinimada Jabalaand iyo DFS ha ka arinsadeen in aan Jubalaand qof kaliya dib danbe u aftuubnaan shisheeye iyo calooshood u shaqeystayaalna kunwaardiyeyaan ,intaas nagu   filan (ENOUGH IS ENOUGH).

Jimcaale.


Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.