Daawo:Dowlada Somalia oo Dajisay qorshihii lagu weerari lahaa Shababab

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta kulan deg deg ah isugu yeeray Taliska Howl-galka AMISOM iyo dawladaha Soomaaliya ka taageera amniga iyo la dagaalanka Argagaxisada.

Kulanka deg degga ah ayaa aad loogu falanqeeyay qorsha uu diyaariyay taliska ciidanka xoogga dalka oo la doonayo in kooxaha argagaxisada ah looga saaro deegaannada kamid ah dalka ee ay ku dhibaateeyaan shacabka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo kulanka ka sheegay in aan loo sii dul qaadan karin in kooxaha arxan-laawayaasha ah ay sii dhibaateeyaan dadka Soomaaliyeed ayaa dhammaan ka qayb galayaasha kulanka waxa uu ka dalbaday in dagaalka argagaxisada loo wajaho si wadajir ah laguna gacan siiyo dawladda qorsha cusub ee dalka dhan looga dhigayo mid nabdoon.

Safiirrada Maraykanka, Ingiriiska, Midawga Afrika iyo safiir ku-xigeenka Midawga Yurub ee Soomaaliya iyo Taliyaha Hawlgalka AMISOM oo goob joog ka ahaa shirka looga arrinsanahay qorshaha argagaxisada looga saaryo dalka ayaa taageeray in si wadajir ah loo fuliyo qorshaha dawladdu soo bandhigtay ee lagu doonayo in dalka looga sifeeyo argagaxisada.

Hoggaanka dawladda Soomaaliya oo muhiimadda koowaad ay u tahay sugidda amniga mawaadiniinta Soomaaliyeed, maalkooda iyo gayiga Soomaaliya guud ahaan ayaa wada qorshe uu ku doonayo in lagu soo af-jaro ficillada gurracan ee kooxaha nabad-diidka ah ay ku diidanyihiin horumarka dalka, kuna bannaysanyaan dhiigga dadka Soomaaliyeed.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.