Madaxweynaha Puntland oo Dhagax Dhigay Xarunta Kaydka Xogta Biyaha iyo Deegaanka.

deni

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa dhagax dhigay xarunta kaydka xogta Deegaanka iyo Biyaha.

Dhagax dhigga xaruntani ayaa waxaa Madaxweynaha ku wehelinaayey Wasiirka Wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo Isbadalka Cimilada Ismaaciil Diiriye Gama’diid, Wasiirka Wasaaradda Tamarta, Macadanta iyo Biyaha Axmed Maxamed Yuusuf (Taaraan) masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Dowladda Puntland, saraakiil ka socotey Hay’adda FAO, maamulka Degmada, kan Gobolka Nugaal iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland.

Xarunta xogta Khayraadka Deegaanka iyo Biyaha (Integrated Land and Water Resource Management) oo ah xarun lagu kaydin doono khayradka dalka sida Deegaanka iyo Biyaha, dhismahan ayaa noqonaya xaruntii ugu horeysey ee laga hirgeliyo Soomaaliya ilaa waxkhtigii uu dalku burburay, waxaana mashruucaan maalgaliyey EU, isla’markaana waxaa fulinaysa Hay’adda FAO oo kaashanaysa Dowladda Puntland.

Madaxweyne Deni oo muujinaya ahmiyadda balaadhan ee masruucan leeyahay ayaa tilmaamay in mushruucan looga faa’iidaysto khayraadkeena dalka ee u baahan in la kaydiyo, isagoona tusaale u soo qaatay maahmaahdii Soomaaliyeed ee ahayd ( War la helyaabaTalo la hel).

“Waxaa sharaf weyn ii ah inaan kasoo qayb galo xaruntan dhagax dhiggeeda oo runtii qiimo gaar ah bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan reer Puntland faa’iido gaar ah u leh, mudadii aan burburka ku jirney xarun noocaan oo kale ah waa xaruntii ugu horeysey ee Soomnaaliya laga fuliyo qiimo gaar ah oo aad u weyn ayeey inoo leedahay, waxaan aad uga mahadcelinayaa intii kasoo shaqaysay nooc kastoy tahay, waxaan uga mahad celinayaa hay’addaha deeq bixiyaasha ah oo mar walba la garab taagan sidii dalka iyo dadka ay u hormarin lahaayeen” Ayuu yir Madaxweynaha Dowladda Puntland

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.