Allaha unaxiista General Samatar oo maanta Aas loogu sameeyay Muqdisho

samatar

Allaha u naxriistee Taliye kuxigeenkii Ciidamada Cirka Soomaliyeed General Maxamed Aadan Samater ayaa maanta waxaa aas qaran loogu sameeyay Magaalada Muqdisho.

Aaska marxuumka ayaa waxaa ka qeyb galay Saraakiil Ciidan oo ka tirsan dowladda Soomaaliya  oo ugu  horeeyo Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka Gen- Daahir Aadan Cilmi (Indha Qarshe) iyo Mas’uuliyiin kale, waxaana  lagu Aasay qabuuro ku yaalla Xerada Ciidamada Cirka ee Afisyooni ee Magaalada Muqdisho.

Masuuliyiinta ka qeyb gashay aaska ayaa waxaa ay tacsi u direen  Ehaladii, qaraabadii iyo ummada Soomaaliyeed ee uu ka baxay Allaha u naxriistii Taliye ku xigeenka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.