Daawo:Kulankii Xasaasiga ahaa ee dhexmaray Ra’iisalwasaare Khayre iyo Safiirada yurub

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS) mudane Xasan Cali Khayre oo ay wehliyaan  wasiirrada arrimaha dibadda iyo qorshaynta maal-gashiga iyo horumarinta dhaqaalaha, Axmed Ciise Cawad iyo Jamaal Maxamed Xasan ayaa maanta kulan la qaatay safiirrada Muqdisho u fadhiya dalka xubnaha ka ah midawga Yurub.
Ra’iisul Wasaaraha iyo safiirrada ayaa ka wada hadlay joogtaynta taageerada midawga Yurub ee Soomaaliya , waxaana kulanka sidoo kale safiirradu ki bogaadiyeen horumarrada ay ku tillaabsatay dawladda Soomaaliya.
Kulanka dhex maray ra’iisul Wasaare Khayre iyo safiirrada dalalka Midawga Yurub ee Soomaaliya waxaa kamid ahaa safiirradii  goob joogga ka ahaa danjirayaasha  Austria, Belgium, Denmark, France, Finland, Germany, Ireland, Italy, Spain, Sweden, Netherlands iyo boqortooyada Ingiriiska.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.