Daawo:5-tii cutub ee ugu dambaysay Dastuurka oo loo gudbiyey wasaaradda Dastuurka iyo gudiga madaxa banaan ee Dastuurka

qaybdiid

Munaasabadan lagu wareejinayay shanta cutub ee Dastuurka kumeel gaaraka ah ayaa waxaa goob joog ka ahaa Xubno ka kala socda Guddiga dib u eegista la socodka iyo hirgalinta Dastuurka BFS, Guddiga Madaxa banaan ee la socodka iyo hirgalinta Dastuurka iyo Wasaarada Dastuurka Xukuumada Federaalka Soomaaliya.

Guddoomiyaha Guddiga dib u eegista la socodka iyo hirgalinta Dastuurka BFS Senator Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid) ayaa ugu horeyn Kulanka ka sheegay in shantii Cutub ee ugu dambeysay ay ku wareejinayaan Guddiga Madaxa banaan ee la socodka iyo Hirgalinta Dastuurka iyo Wasaaradda Dastuurka Xukuumada Federaalka Soomaaliya si ay Wada xaajood kaga soo yeeshaan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.