Madaxweyne Farmaajo oo ka tacsiyadeeyey weerarkii ay ku dhinteen muslimiinta ee kadhacay dalka New Zealand.

Maxamed C/llaahi Farmaajo madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka tacsiyadeeyey dadkii muslimiinta ah ee ku dhintay weerarkii ka dhacay masaajidyo kuyaal dalka Newzealand, guud ahaan gaar ahaan dadkii Soomaaliyeed ee ku dhintay.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyadeeyey dadkii halkaasi ku dhintay,isagoo sidoo kale dowladda iyo shacabka Newzealand tacsi u diray,una rajeeyey dadka dhaawacmay caafimaad deg deg ah.

Sidoo akle raiiusl wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa ka tacsiyadeeyey dadkii muslimiint ahaa ee weerarkaasi ku dhintay,wuxuuna raiisul wasaaraha dalka si gaar ah uga tacsiyadeeyey dadkii Soomaaliyeed ee ku dhintay weerarkaasi.

Ilaa 49 qof ayaa la sheegay in ay ku geeriyootay tiro kalena ay ku dhaawacmeen weerar lagu qaaday masaajidyo kuyaala Christchurch ee dalkaasi.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.