Sawiro:Wasiirka Arrimaha dibadda ayaa kormeeray Safaaradda Soomaaliya ee Uganda

wasiir

Wasiirka Arrimaha Dibadda Dowladda federaalka Soomaaliya Amb. Axmed Ciise Cawad ayaa soo kormeeray xaaladda Safaaradda ay ku sugan tahay isagoo halkaas soo kormaaray kadibna kulan la qaatay howlwadeenada Safaaradda iyo qaar ka mid ah Waxgaradka, Aqoonyahayka iyo Ardayda wax ka barata dalka Uganda.

wasiir

Wasiir Cawad ayaa inta uu kormeerka ku jiray waxaa uu tagay soo arkay dhismo cusub iyo dayacyatir ka socday Safaaradda oo lagu dhisayay xafiisyada Waxbarashada, Ganacsiga iyo Warfaafinta oo dhawaan dib u habanayn lagu sameeyay.

Siihayaha Safaaradda Soomaaliya ee Uganda Cabdiwali Cali Faarax ayaa wasiirka uga warbixiyay isbadalka lagu sameeyay Safaaradda ee dhanka dhismaha iyo dardargalinta u adeegida shacabka Soomaaliyeed ee ku nool dalkan Uganda, isagoo intaa ku daray in Safaaradda ay dhabarka u dhigatay qarashaadkaas dib u habaynta ah.

Wasiir Axmed Ciise Cawad ayaa intii uu booqashada ku jiray xariga ka jaray sadaxda xafiis ee dhawaan dacayactirka lagu sameeyay ee kala ah Waxbarashada,Ganacsiga iyo Warfaafinta isagoo tilmaamay wasiirku in xafiisyadaas loogu adeego doono shacabka Soomaaliyeed ee ku nool dalka Uganda.

wasiir

Wasiirka Arrimaha dibadda ee Dowladda Federaalka oo sidoo kale kulan kula qaatay gudaha Safaaradda qaar ka socday bulashada inteeda kala duwan oo ay ka mid ahaayeen Waxgarad, Aqoonyahan, iyo arday ayaa iyaguna dhankooda amaaneen howlaha Safaaradda iyagoo sheegay in Safaaradda ay shaqo fiican bulshada u hayso diblumaasiyiinta ka shaqeeyana ay yihiin kuwa hufan oo shacabkooda si wanaagsan ugu adeega.

Cabdicasiis Maxamuud Cawad (Sanweyne) oo ka mid ah waxgaradka Soomaaliyeed ee dagan Kambaala ayaa wasiirka u sheegay in bulshada Soomaaliyeed ee Uganda ku nool aysan jirin cabasho ay ka qabaan Safaaradda si dhawna ula shaqeeyaan Safaaradooda oo uu jiro xariir wanaagsan oo safaaradda iyo Jaaliyadda ka dhaxeeya.

Ugu dambeyntii Wasiirka ayaa uga mahadnaqay Madaxda Safaaradda sida diiran ay howshooda u wadaan isagoona faray diblumaasiyiinta in ay sii laba jibaaraan howlaha safaaradda iyo ka shaqeynta wanaajinta xariirka labada dal.

wasiir

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.