Madaxwayne Farmaajo ayaa Khudbad kajeedin doona shirka ka socda Dalkan Uganda

Shir madaxeedka hoggaamiyaasha Afrika ee loo yaqaano Afrika Now ayaa lagu wada in maanta lagu soo geba gebeeyo magaalada Kampala ee xarunta dalka Yugandha oo sanadka uu martigeliyay shirkaasi.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa lafilayaa in khudbad uu kaga hadlayo xaaladda dalka uu ka jeediyo xiritaanka shirmadaxeedkaasi oo ay joogaan wafuud ka kala socota dalalka Afrika.

Shirkan oo u dhexeeyey hoggaamiyaasha dalalka Afrika  ayaa intii uu socday waxaa hoggaamiyaasha Afrika iyo madaxda kale ee ka kala socotay Hay’adaha Jimciyadad Qurumaha ka dhexeysa, Banggiga adduunka iyo hay’adaha maaliyadeed e caalamiga ah waxaaa ay diiradda ku saareen arrimaha nabadgelyada, isdhexgalka iyo koboca dhaqaalaha ee Qaaradda Afrika,iyadoo lafilayo in gebagebada laga soo saaro qodobo wax ku ool ah Soomaaliyana waxtar u noqda.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shalay kormaaray askar ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo tababar Layli Sarkaal ah ku qaadanaya Dugsiga Tababarka Militariga Kabamba ee dalka Uganda.

Saraakiishan uu tababarku uga socdo Xerada Kabamba oo ku taalla bartamaha Uganda ayaa tiradoodu ku dhawdahay 100, waxaana la filayaa in ay bartamaha sanadkan dib ugu soo laabtaan dalka si ay uga qayb qaataan dhismaha iyo tababarrada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.