Gudoomiye Mursal oo dalka dib ugu soo laabtay

Mursal

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdi raxmaan ayaa dalka dib ugu soo laabtay kadib Safaro shaqo uu ku kala tagay Dalalka Jordan iyo Turkiga.

Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha shacabka, Cabdiweli Ibraahim Sheekh Muudey iyo Xildhibaano ka tirsan Golaha ayaa soo dhaweeyay Guddoomiyaha iyo wafdigiisa.

Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan, ayaa Dalka Jordan kaga qeyb galay Shirka 29-aad ee Midowga Baarlamaanada Carabta, isagoo Khudbad uu ka jeediyay madaxda Baarlamaanada Carabta ugu sheegay in Soomaaliya horumaro dhinacyo badan leh ay sameysay, inta dhimanna Shacabka iyo Dowladoodda oo iskaashanaaya ay si wadajir ah u dhameystiri doonaan.

Guddoomiye Mursal ayaa sheegay in Dalalka Carabta iyo kuwa Gobolka looga baahan yahay in si wadajir ah ay u wajahaan ciribtirka Argagaxisada si looga hortago qataraha iyo xasuuqa ay ku hayaan shacabka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.