Daawo:Xildhibaan Jeesow Kheyre waxa uu booqday dad lahaysto oo ku jira Gumeysi.

jeesow

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo kamida Xildhibaanada Dowlada federaalka ee Soomaliya ayaa waxuu ka hadlay Booqaashada Ra’iisalwasaare Xasan Cali Khayre ku tagay Magaalada kismaayo ee xarunta ku meel gaarka ah ee maamulka Jubbaland.

Xildhibaan Jeesow ayaa waxuu ka hadlay dhibaatooyinka ay kamid yihiin dilka, Kufsi, Dhac iyo Masaafurinta oo ay ku hayaan Axmed Madoobe iyo jamhadiisa shacabka Jubbaland gaar ahaan kuwa kusugan Magaalada Kismaayo.

Xildhibaan Jeesow ayaa ugu dambayntii waxuu sheegay in Ra’iisul Wasaare Kheyre uu booqday dad lahaysto oo ku jira Gumeysi, waxayna la mid tahay masuul ka socda Jaamacadda Carabta oo booqday dhulka la haysto ee Qudus isla markaana la kulmay Israa’iil”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.