Al-Shabaab oo Dad ka Af-duubtay Gal-gaduud

Alshabab

Kooxda Argagixisada ah ee Al-Shabaab ayaa Wiil iyo Aabbahii ka Af-duubtay  degaanka Gal-Qoryaale oo hoos taga Degmada Guri-ceel ee Gobolka Gal-gaduud.

Labada Nin ee ay Al-Shabaab Af-duubteen oo lagu kala Magacaabo jiray, Maxamed C/raxmaan Xersi iyo Aabbihii C/raxmaan Xersi Warsame, ayaa la sheegayaa in ay Maalmo ka hor weydiisteen Xoolo iyo Lagaco balse ay ka Biyo diideen.

Dadka degaanka ayaa sheegay in Labada Nin ee ay Malleeshida Al-Shabaab kaxaysteen ay ula dhaqaaqeen dhinaca degaanka Ceel-garas.

Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa maamulka Galmudug ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay u sheegay in ay halkaasi u direen Ciidamo, si loogu soo furto Gacanta Kooxda Argagixisada ah Dadka ay qafaasheen.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.