Wasiir Bayle ayaa dhagax dhigay xarumaha canshuuraha ee Degmooyinka Gobolka Banaadir

bayle

Wasiirka maaliyadda ee xukuumadda Soomaaliya Dr. C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa maanta dhagax dhigay xarumaha canshuuraha shan degmo oo ka Tirsan degmooyinka Gobolka Banaadir.
Sidoo kale xarumaha maanta la dhagax dhigay ayaa waxaa ku jirta xarunta guud ee ciidanka ilaalada canshuuraha ee Turubotaariyo loo yaqaano.
Xarumaha uu dhagax dhigay wasiirka Maaliayadda Soomaaliya ayaa muhiim u ah horumarinta aaladaha lagu qaado canshuuraha dalka , Wasiir Beyle, ayaa waxaa uu xog wareystay Engineerada dhisi doono xarumahan.
Taliyaha Hogaanka Canshuuraha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Janaraal Cabdulaahi Xasan Bariise ka Mahad celiyay dadaaalka Wasaaradda Maaliyadda dhismaha xaruntan ayaa ka hadlay muhiimadeeda.
Wasiirka maaliyadda ayaa sidoo kale, waxaa uu dhagax dhigay dhismaha Machadka dhaqaalaha dalka oo ku yaala degmada Xamar weyne, Wasiirka ayaana tilmaamay in dhismaha xarumahan ay ku tartameen shirkadaha dhismaha ee wadannka.
Xarumahan ayaana dhismahooda la dhameyn doonaan bisha Luulyo ee sanadkan sida uu sheegaya wasiirka maaliyadda dalka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.