Daawo:Ra’iisul Wasaare Khaye Oo Si Heer Sare Ah Loogu Soo Dhaweeyay Kismaayo

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre, oo ay wehliyaan xubna kamid ah golaha wasiirrada, xildhibaanno iyo taliyaasha ciidanka Booliiska iyo meteriga ayaa si heer sare ah loogu soo dhaweeyay magaalada Kismaayo ee dawlad gobaleedka Jubland.

Madaxwaynaha dawlad gobaleedka Jubaland, Axmed Maxamed Islaam oo ay wehliyaan ku-xigeennadiisa, guddoonka baarlamaanka, golaha wasiirrada, xildhibaanda Jubaland iyo bulshada qaybaheeda kala duwan ayaa garoonka diyaarada Kismaayo kusoo dhaweeyay wafdiga uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre.

Ra’iisul Wasaaraha Khayre oo Aargada Kismaayo kula hadlay kumannaan dadwayne ah oo isugu soo baxay soo dhawaynta wafdiga uu hoggaaminayo ayaa sheegay, “Madaxwayne Axmed Waa mahadsantahay, Dhammaan adiga iyo madaxda kale ee Jubaland waa idinkaga mahadcelinayaa soo dahwaynta. Guud ahaanna Shacabka reer Jubaland waan u mahadcelinaayaa. Halkaan waxaa ka muuqata Faraxad iyo rayn rayn. Waa ogahay in aad qoradaxa taagneedeen waa ogahay in aad na sugayseen laakiin waxaan rabaa sida aad noo sugaynseen in aan idiinkugu sheego Sidaas iyo si ka badan inaan raalli idinkaga nahay”

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa Socdaalkiisu waxa uu salka ku haya xoojinta wada shaqaynta dawlad gobaleedka Jubaland iyo dawladda dhexe, arrintaas oo muhiim u ah geedi socodka soo kabashada, dib-u-dhiska Soomaaliya iyo soo celinta sharafta iyo karaamada umadda Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre waxa ay u tahay markii labaad ee uu yimaado Jubaland, sannadakii 2017-adii ayuu Ra’iisul Wasaaruhu sidaan oo kale u yimid Kismaayo, xilligaas oo lagu qabtay shirkii ugu horreeyay ee golaha wasiirradu ay ku yeeshaan meel ka baxsan magaalada Muqdisho.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.