Daawo:Gudoomiye yariisow oo Taliyaasha Ciidamada Digniin udiray

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxman Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) ayaa soo saaray Wareegto ku aaddan Xaruntii Ciidamada Badda ee degmada C/Casiis iyo Gurigii Taliyaha Ciidamada Badda.
Duqa Muqdisho ayaa Markii uu arkay Dastuurka JFS, Shariciga Maamulka Gobolada & Degmooyinka, Sharciga Maamulka Dhulka iyo Dhismaha G/Banaadir, Isla markaaba uu hubsaday inay lagama maarmaan ay tahay in Dib u hagaajin lagu sameeyo Qorshaha Guud (Master Plan) ee caasimadda, arkayna baahida deg-dega ah ee loo qabo in safaaradaha loo asteeyo goob ku habboon.

Gudoomiye Yariisow ayaa Hay’adaha Dowladda Federaalka ku wargelinayaa inay joojiyaan dhulalka ay bixiyaan ama siiyaan fasax dhismo, maadaama cidda kaliya ee maamul ahaan ay Dowladdu u wakiilatay ay tahay Dowladda Hoose ee Xamar.

Waxaan ognahay in Taliyeyaashii Ciidamada Qalabka sida qaarkood ay goobtaas ka dhisteen guryo dabaqyo ah oo ay dantooda kaliya ka fikireen, halkii ay danta shacabka ka fikiri lahaayeen, waana inay u hoggaansamaan go’aankan si danguud ahaan loogu isticmaalo goobtaas. Yaa u maqan shacabka haddii ay mas’uuliyiintu ka fikiraan danahooda gaarka ah.
Duqa Muqdisho Eng. Yarisow ayaa ugu danbeyn ciddii amarkan jabisa ama u hoggaansami weysa sheegay in laga qaadi doona tallaabo sharci ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.