Xildhibaan Xasan yare ayaa Aflagaado ugaystay Madaxwayne farmaajo iyo xildhibaan Farax Xasan

axmed

Xildhibaan xasan Yare oo katirsan Barlamaanka Soomaliya ahna Jamhada Axmed Madoobe ayaa waxuu aflagaado iyo Been abuur ugaystay Madaxwaynaha Soomaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo Xildhibaan Faaraxa Xasan oo kamida Barlamaanka Dowlada Soomaliya.

Xildhibaan faarax Xasan ayaa waxuu fariin ugu qoray Ra’iisalwasaraha Soomaliya Xasan Cali Khayre oo lafilayo inuu Tago Magaalada Kismaayo taas oo uga digay inuusan waraysan Hal garab balse badalkeena lakulmo Shacabka Jubbaland maadaana Jubbaland ay tahay Meel Beelaha Soomaliyeed oo dhan ku dhan yihiin.
Halkaan hoose ka aqriso Qoraalka Hoosjoogo Xasan Yare.
Asc
Jawaab ku socota xildhibaan Farah abdi Hassan
Waxan baraha bulshada ka akhriyay qoraal uu qoray xildhibanka oo uu ugu magacdaray
Talo ku socoto PM kheyre ee safarkisa kismaayo
Ugu horeyn xildhiban farah abdi Hassan waa xildhibaan golaha shacabka ka tirsan, deegan doorashadiisa waa, Galmudug wuxuna gaar ahaan u matalan deeganka caabudwaaq ee gobalka galgaduud, qoraalkisa waxa ka muuqday masuuliyad darro aad u weyn ,fidnada galmudug iyo indhaha ay leedahay maanta waa dadka aad oga qeyb qaatay,in galmudug la qeybiyo
Wuxuu ku fadhiyaa kursiga madaxweyna Somaliya mahamed cabdulahi farmaajo
Madaxtooyada somaliya dhibaatada shacabka xamar lagu hayo ayuu aad u dhiira geliya ,caburinta iyo caga jugleynta Lagu siyaasinta iyo ganacsatada soomaaliyeed ayuu taageera
Waan ku aqaanay mucaaradnimadisa jubbaland ,laakin been abuur intas la eg inuu ku dhiiranayo ayan la yaabay ,wuxu ka mid ahaa taageerayashi dooxadda jubba aad ugu ololeyn jirtay
Mudane xildhiban
Jubbaland guud ahaan iyo gaar ahaan magaalada kismaayo ,waxa ay ku naalooneysa
Amni ,cadaalad iyo kala danbayn
Dhaqan uma laha hogaanka jubbaland
Hadalada mel dhaca ku ah masuuliydda aad xambaarsantahay
Hogaanka jubbaland waad mucaaradi karta waana dhaliili karta laakin been abuur iyo isku dirka iyo kala qeybinta ma ku haboona
Waa tan Gal-mudugta aad matasho ficilida aad kula jirto adigoo magaca madaxtooyada isticmaalaya ishaas u yeeshay
Waxaad isku dayday in fidnadas iyo kala qeybintas aad Jubbaland gaar ahaan Gobalka Gedo lasoo dhex gasho Wadna ku fashilantay
Talaabooyinki aad qaatay iyo halke ku danbeeyay waad ogtahay
Mudane xildhibaan ,Jubbaland waa dawlad goboleed saddex gobal ka kooban
Jubbada Hoose jubbada dhexe ,Gedo
Dastuur leh ,gole baarlaman iy mid garsoor iyo mid fulin leh ,kana tirsan dawladda federalka soomlaiya ,way ka gudubtay xiligii hogaamiye kooxeedyada iyo xiligii dooxada Jubba ,umana noqoneyso inshalah
Qoraalkaada ereyada ku qorna waxay cadeynaya heerkaga iyo waxaad sameyn laheyd haddi go,aan ama talo aad ku yeelan laheyd masiirka Jubbaland
Soomaalida waxay ku mahmahda
(Tiisaba daryeela tu kale ku dara )
Galmudugta aad matasho magaca madaxtooyada Somaaliya iyo hantidii qaranka soomaliyeed ku burburineyso utasho ,wanageda iyo midnimadeda ka shaqe
Jubbaland waxba lagama waydiinayo adiga iyo wax kula fikir ahba ,dadki lahaa ee matalayay ayaa u tashaday
Qoraalkaga waa mid muujinaya quusta iyo rajadii aad ka laheyd safarka PM kheyre inaad ka wayday
Marki aad maqashay PM kheyre ayaa kismaayo wadahadal utagayo
Waa adigii bilaabay dacaayad raqiis ah
Talo soo jeedin
Waxan kugula talin lahaa inaad mas,uliyadda ku saaran garato, been abuurka iyo fidnada abuurista waxan jirin ka waantowdo ,deegaan doorashada wanaagooda ka shaqeyso, midnimada iyo Wadajirka umadda soomaaliyeed ka shaqeyso
Hon,Hassan abdi Ismail

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.