Xildhibaan farax Xasan ayaa Ra’iisalwasaare Khayre kaga digay aaditaanka Kismaayo

farax

Xildhibaan Faraax xasan oo kamida Xildhibaanada Fedraalka soomaliya ayaa waxuu Qoraal udiray Ra’iisalwasaraha soomaliya Xasan Cali khayre kaas oo ku wajahan Magaalada Kismaayo, Xildhibaan Faraax xasan oo Bartiisa Facebooga kusoo daabacay Qoraal uu udiray Khayre ayuu waxuu kaga hadlay in Jubbaland ay ku dhan tahay ummada Soomaliyeed dhibaatooyin iyo tacadiyo badana ka dhaceen loona baahan yahay Ra’iisalwasaaruhu inuusan hal dhinac warkooda qaadan ee shacabka Jubbaland dhamaantood dhagyso.

Qoraalka Xildhibaanka Halkaan ka Akhriso:

RW tani waa farriin dheer laakiin muhiim u ah safarkaaga.
RW Safar Salaama marka hore.
Marka xiga waxaan ku xasuusinayaa arrimaha hoose:
RW waxaad u socotaa deegaan dadka Soomaaliyeed ee joogaa ka kooban yihiin dhammaan beelaha Soomaaliyeed oo dhan, isla markaasna ay ka jirto cabburin iyo cabsi gelin xoog leh oo dadka in badan oo ka mid ahi dareemeen xorriyad la’aan.
Dad Soomaaliyeed oo aan loo aabo yeelin loona turin sharaftooda iyo Maalkooda toona, farahooda laga bixiyey hanti badan oo ay lahaayeen, qofkii hadla oo sheegta culeys looga daro laguna kordhiyo dhibaatada, kufsi aan lagu kala soocin marwo iyo marrey, gabar iyo hooyo loo geystay, wiilashooda aan dambiilayaal aheyn hortooda lagu laayey ama meydkooda laga soo aruuriyey xeebaha Calanley iyo Kibora, in badan oo ka mid ah la uusduugay oo aan geeri iyo nolol midnaa ogeyn.
Dad Soomaaliyeed oo dareensan in farihii kululaa ee Shabaab lagula joogay ama Raaskiyambooni lagu ahaa lagu maamulay, loo ciqaabay Soomaali cidday ka yihiin oo aysan sababteeda laheyn, loo ciqaabay waxay aaminsan yihiin, loo ciqaabay maxaad u dareentay waxa dhacaya, loo ciqaabay xiriiro kale oo ay la lahaayeen dad la kala aragti ama siyaasad duwanaa.
Dad Soomaaliyeed oo shaki lagu kala riday laakiin xaqiiqdu tahay in isku si loo cadaabay, lagu abuuray shaki qabiil, iyadoo qabiil Soomaaliyeed oo ku nabad galay meeshaas uusan jirin.
Dadku aad uma dareemaan laakiin dhibka ugu badan waxaa kala kulmay qabiilka ay dadka kale aaminsan yahay inay haystaan maamulkaas. Oo qaarna dekeno qoorta loo geliyey qaarna iyagii gacantooda lagu dulmay.
Dad Soomaaliyeed oo waxgaradkii laga qaxiyey oo in badan oo ka mid ahi qaxooti iyo barakacayaal noqdeen, intii soo hartayna lagu kallifay inay gabadaan oo aysan hadli karin.
Dad Soomaaliyeed oo xanfaley laga adeejiyey, la tusay iyo wiilal Soomaali ah oo afduuban isla markaasna fara fudud ka adeegan doonaan hadday dareemaan waxa socda,
Dad Soomaaliyeed oo laga adeejiyey shisheeye dano kala duwan ka leh dalka oo qaar dhul doon yahay, qaarna nacfi doon yahay sababayna ciddii soo eegta inay cadaabaan.
Dad Soomaaliyeed oo ay ku adkaan doonto inay kuu yimaadaan iyagoo xasuusan taarikhihii soo maray, hadday kuu yimaadaanna farriimaha ay keenayaan yihiin kuwa aad uga duwan dareenkooda iyagoo ka baqaya in looga daro marka laba beri ka dib ka soo tagto, ama dareemaya kuwa kula jooga markaad kulmaysaan inay yihiin kuwii cadaabi jiray ama kuwa u adeega oo xogta waxay ka hadleen la heli doono loona ciqaabi doono.
Dad Soomaaliyeed oo dad aan matelin laga soo hormarin doono laguuna sheegi doono inay yihiin kuwii matalayey iyadoo laga fogaanayo inaad xog rasmi ah heshid.
Dad Soomaaliyeed oo ku nool cadaab aan hadda dunida ka jirin iyo cabburin dad aan u naxeyn danna ka laheyn in xisaabi ka dambeyn karto.
Hadaba RW adigoo dareensan intaas iyo in ka badan, waxaa xil kaa saaran yahay inaad soo aragtid dadka Soomaaliyeed adigoo ka taxadaraya arrimaha hoose:
-Madaxbanaanidooda dad ahaan iyo aragti ahaanba.
-Nabadgelyadooda markay kuu imaanayaan iyo markaad ka soo tagtidba.
-Inaad ogaatid xaaladda dadku ku nool yahay, iyo duruufaha ku hareeraysan.
-Inaad si hoose u xog-ogaalsatid dadka ku dhibaateysan Xabsiyada qarsoodiga ah ee ku yaal magaalada.
-Inaad si dhab ah u ogaatid dareenka Isbaddel ee ay doonayaan iyo nooca uu yahay,
RW waa xil ku saaran inaan dadkaas Soomaaliyeed ku niyad jabin safarkaaga, kuna dhibtoon intaad joogtid iyo markaad ka soo noqotidba.
Ogow waxaad RW u tahay shacabka Jubbaland ee dhibaateysan iyo kuwa ay dhibka ka tabanayaanba.
Waxa ugu xun ee dhici karaa waa in farriin hal dhinac ah ku soo gaarto iyadoo dhinaca kale awoodi waayaan inay ku gaarsiiyaan dareenkooda, adigoo dalkaan ka ah mas’uul sare.
Ilaahay talo saaro kuna dhiirro la kulanka qeybaha kala duwan ee bulshada iyadoo aysan diyaarinteeda mas’uul ka aheyn gacantana ku heyn maamulka hadda joogaa.
Adiga iyo dadkuba inaad xorriyad dareentaan waa muhiim intaad wada joogtaan iyo ka dibba.
Ugu dambeyn waa kugula talinayaa inaad soo marto magaalooyin kale oo aadan Kismaayo ekaan. Waxaad tegi kartaa dhamman degmooyinka gobolka gedo iyo Degmada Afmadow.
Guuleyso

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.