Sawiro:Wararkii Ugu dambeeyey Diyaradii Itoobiya ee burburtay iyo qasaarihii ka dhashay

itoobiya

Diyaarad ay leedahay Sharikadda diyaaradaha ee Ethiopian Airlines ayaa burburtay wax yar uun kadib markii ay kasoo duushay magaalada Addis Ababa, waxaana ku dhintay dhammaan rakaabkii saarnaa diyaaraddaas.
149 rakaab ah iyo siddeed shaqaalaha diyaaradda ah ayaa la sheegay in ay saarnaayeen diyaaradda, waxayna diyaaraddu ku sii jeedday magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya.

Sharikadda ayaa daabacday liis ay ku qoran yihiin dadkii shilka ku dhintay iyo dalalkii ay kasoo jeedeen, waxaana liiska kujira hal qof oo sitay baasaboorka Soomaaliga, waxayna u muuqataa in sharikaddu ay tix galisay baasaboorada ay dadkaasi siteen oo kali ah, balse lag yaabo in ay kujireen dad asal ahaan Soomaali ah oo baasabooraddaas qaarkood sitay.
Liiska ay daabacday sharikadda diyaaradaha ee Ethiopian airlines ayaa ahaa sida hoos ku qoran.
32 Kenyan, 18 Reer Canada, 9 Itoobiyaan , 8 Shiinees ,8 Talyaani ,8 Ameerikaan , 7 Faransiis , 7 Ingiriis , 6 Masaari , 5 Jarmal ah , 1 baasaboor Qaramada Midoobay watay , 4 Hindi ,4 Slovakia, 3 Australia , 3 Ruush, 3 Sweden , 2 Spain , 2 Poland , 1 Indonesia, 1 Ireland , 1 Rwanda, 1 Sucuudiga, 1 Soomaali, 1 Serbia, 1 Nepal , 1 Nigeria , 2 Morokaan , 2 Israaiiliyiin , 1 Biljim, 1 Ugandhiis, 1 Yemeni, 1 Sudaniis, 1 Togo, 1 Muzambiik , 1 Norway.
itoobiya

itobbiya

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.