Madaxweynaha Uganda oo ku hanjabay in Ciidankiisa kala baxayo Soomaaliya

amisom

Madaxwaynaha dalka Uganda Yoweri Museveni, ayaa ku hanjabay in ciidamadiisa kajooga soomaaliya qaybtana ka ah kuwa nabad ilaalinta midowga afrika uu dhamaantood gudaha dalka Soomaaliya kala soo bixi doono haddii golaha amaanka qaramada midoobe iskudayo in uu wax kadhimo ciidamiisa qaybta ka ah hawlgalka Amisom.
Qorshaha Golaha amaanka ee Qm ayaa ah in dhamaan ciidamada Amisom laga saaro gudaha dalka soomaaliya dhamaadka sanadka 2020 inta kahoreysana ladoonayo in qaab tartiib tartiib ah loo dhimo ciidamada kabadan 20,000 ee gudaha dalka kusugan.
Madaxwaynaha dalka Uganda oo aad u dhaliishan qorshaha golaha amaanka ayaa sheegay in uu ku wargaliyay golaha amaanka in dhamaan ciidaiisa ka jooga Soomaaliya oo gaaraya 6,400 oo askari guud ahaan dalka kala bixi doono haddii golahu uu ku adkeesto in wax laga dhimo ciidamada dalka Uganda.
Waxay naga codsadeen in aan wax kadhimo tirada ciidamada nagajooga soomaaliya balse waxaan u sheegay in aanan hal askari dhimeenin balse taas badalkeeda aan dhamaantood soo saarayo ayuu yiri madaxwayne Y. Museveni.
Hadalka madaxwaynha Uganda ayaa imaanaya iyadoo sidookale madaxwaynaha dalka Brundi Pierre Nkurunziza,horay ugu hanjabay in dhamaan ciidamadiisa ka jooga Soomaaliya uu labixi doono kadib markii lagu amray dowlada Brundi in ciidamdeeda ka jooga Somalia ay ka dhinto illaa iyo 1,000 askari.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.