Alshabaab oo hub looga furtay Shabeelada Hoose

ciidan

Ciidamada Amniga ayaa Ka furtay hub kala duwan kooxda Argagixisada al-Shabaab Ka dib hawlgal ay Ka fuliyeen Degmada Qoryooleey ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Habeenimadii 09-kii bishaan Maarso ayay Ciidamadu weerar Ku qaadeen Xaafadda Hantiwadaag halkaas oo markiiba ay Ka carareen maleeshiyaadka Argagixisada Alshabaab.

Ciidamadu waxeey gacanta Ku dhigeen noocyo kala duwan oo hub ah kaas oo argagixisadu u isticmaalaysay waxyeelada dadka Soomaaliyeed sida SONNA ay xogtan ku heshay.

Cidamada amniga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashanaya Saaxiibbadooda Caalamka ayaa 7-dii bishan howgal qorsheysan ku dilay Afar hor-jooge oo ka tirsanaa Kooxda Al-Shabaab degaanka Gamboole ee Gobolka Shableellada Dhexe.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.