Madaxwaynayasha Somaliy Kenya iyo Itoobiya oo Nairobi ku kulmaya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Dimuqraadiga ah ee Itoobiya Mudane Abiy Axmed ayaa xalay gaaray magaalada Nayroobi.

Mudane Maxamed Abdullaahi Farmaajo iyo Abiy Axmed ayaa halkaas maanta wadahadallo saddex geesood ah kula yeelan doonaan Madaxweynaha Kenya Mudane Uhuru Kenyatt.

Wadahadalladii Magaalada Addis Ababa ku dhaxmaray Madaxweynaha JFS iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxay isla garteen soo celinta iyo xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Kenya in muhiim u tahay guud ahaan gobolka.

Dhanka kale agaasimaha Warfaafinta iyo xiriirka Warbaahinta Madaxtooyada Qaranka Abdinuur Maxamed Axmed ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebooka ku sheegay in Kiiska ay gacanta ku hayso Maxkamadda Caddaaladda Adduunka ee BADDA wax gorgortan iyo wada hadal ah uusan ka furneen, isagoo intaa ku daray in waxii go’aan ah oo kiiskaas ku aadan laga war sugeya maxkamadda Cadaaladda Aduunka

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.