class="post-template-default single single-post postid-53843 single-format-standard">
Gedo Times

Wasiir Goodax Barre ayaa kulan qaatay wasiirada waxbarshada Mamul Goboleedyada

Godax

Wasiirka wasaaradda waxbarashadda hiddaha iyo tacliinta sare ee xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulahi Goodax Barre ayaa magaalada Muqdisho kulan kula qaatay wasiirada  waxbarashada  maamul gobaleedyada jubbaland Koonfur galbeed Galmudug iyo Hirshabeelle.

 

Kulanka ayaa waxaa goob joog ka ahaa wasiir ku xigeenka wasaaradda waxbarashadda Feysal Cumar Guuleed iyo agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashada Axmed Xasan Yuusuf.

Arrimaha kulankan diirada lagu saaray ayaa waxaa ka mid ah horumarinta waxbarashada dalka, xoojinta xariirka ka dhaxeya wasaaradda waxbarashada iyo wasaaraddaha dowlad gobaleedyada.

Wasiirada maamul Gobaleedyada jubbaland Koonfur galbeed Galmudug iyo Hirshabeelle ayaa soo dhaweyay horumarinta waxbarashada dalka iyo in leeska kaashto si caruurta Soomaaliyeed ay u helaan waxbarasho dhameystiran.

Wasiirka waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulahi Goodax Barre  ayaa sheegay in  kulanka ay diirada ku saareen manhajka, siyaasadda iyo sharciga Waxbarashada,dhismaha xarumaha  iyo tababarka macalimiinta.

Wasaaradda waxbarashada xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirta sidii loo horumarin lahaa waxbarashada dalka.

Kala soo xeriir Shabakada Gedo Times Cinwaankan hoose

gedotimes1@gmail.com

Leave a Reply

Your e-mail address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.