Xog Hoose:Xildhibaan Xasan yare waa inaan difaacno Axmed Madobe maadama uu biilo Agoon

axmed

Magaalada Kismaayo waxaa ka dhacay shir uu so abaabulay xildhibaan Xasan Yare oo ka tirsan barlamaanka federaalka Soomaaliy ayna isku jifo hoose yihiin Madaxweyne Axmed Madobe. shirkan oo gaar u ahaa beesha reer Cabdille ayey iskaga xog wareysanayeen xaaladda Jubbaland ayaa waxaa hadal dheer ka jeediyey Xildhibaan Xasan Yare wuxuuna yiri waxaa waajib nagu ah in aan difaacno Madaxweyne Axmed Madobe maadama uu biilo Agoon badan oo ka so jeeda beesha ree Cabdille. wuxuu sidoo kale sheegay in qabashada Kismaayo ay ku dhinteen kun nin oo reer Cabdille ah sidaas daraadeedna ayna marnaba ogolaanin in Kursiga Madaxweynaha Jubbaland cid kale qabato.

Xildhibaan Xasan Yare oo hadalkisa siiwata ayaa sheegay in khatar ugu badan ay ka so wajaheyso mushariixiin ka so jeeda beesha Cawlyahan oo uu gadaal ka so riixayo Madaxweyne Farmaajo si uu gacanta ugu dhigo Jubbaland.
inta badan xubnihi kulan ka so qeyb galay ayaa aad ula dhacay hadalka xildhibaanka waxeyna isku raaceen in kursiga Axmed Madobe jifadu difaacato.
hadaba marki an xogta shirkan an helay ayaan is weydiiyey su’aalahan so socda:
1. Jubbaland ma meel jifo gaar ah iska leedaheybaa?
2. Axmed Madobe dadki uu dhimanayey ee uu kursiga ku qabsaday ma ree Cabdille kaliya ayey ahaayeen?
3. agoonta qabiilada kale xaq malaha miyaa?
4. xildhibaan Xasan Yare iyo beesha reer cabdille waxey mar kasta ku cel-celiyaan waa in la ilaaliyaa midnimada Kumade/Absame/Ogaadeen/Baahale laakin marki ay kaligood yihiin ma sidan ayey u hadlayaan?
ugu danbeyn go’aanka beesha reer Cabdille ay horkacayaan Axmed_Madobe iyo xildhibaan Xasan Yare wuxu ku so biyo shubanayaa qodbadan so socda:
a. waligeey an ku taliyee i dabo soco
b. kaligeey an cunee i difaac.
c. an ku caayee aamus. ( waxba ma hogaamin kartiin ayey ku dhahayaan).

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.