Doorashada Jubbaland danaysi ma noqon karto

jubba

Sida aan wada ognahay Jubbaland kuma dhismin kumana hanaqaadin heshiis bulsho iyo is ogolaanshiyo dhab ah oo ay isku raaceen dadka deegaankaas waloow aan ogahay garowsanahayna in dadka walaalaha ah ee Soomaali oo dhan ka kooban ee u nasab sheegto Jubbaland aysan is diidanayn kalsooni walaalnimo iyo mid deegaana ay dhextaal hadana Maamulka Axmed Madoobe ee hadda waqtigiisu dhamaaday kuma imaan rabitaan shacab iyo heshiis dhab ah oo dhacay balse waxaa gadaal ka riixaayay cududo shisheeyo oo lahaa dano kala duwan kuwaas oo ay muuqato maanta saamayntoodi inay yaraatay, ar haddii uu ku dhismay Maamulkaas qaab qaldan iyo wadiiqo aan sax ahayn maxay mudan tahay Jubbaland maxayse xaq u leeyihiin dadka reer jubbaland.

Aragtidayda haddaan cabiro fikirkaygana soo qadimo waxay ila tahay doorashada la hadal hayo ee Jubbaland inaysan ahayn mid wax badali karto haddii aan dhab looga wada hadlin  wixii qaldamay sixidoodana aan la isla garan ayadoo la jaangoynaayo hanaankii iyo habkii lagu sixi lahaa, haddii aan taas la helina waa arin adag iyo hadaf halaabay in la helo Jubbaland ka duwab tan maanta jirto oo waxyeelo, tacaddi, iyo dhibaato ku hayso dadkii ay maamulaysay.

Reer Jubbbaland waxay mudanyihiin qodobadaan in lagu dhaqaaqo si loo helo nidaam saxan, Maamul sal adag, iyo Jubbaland heshiis lagu yahay:-

1. In dhamaan siyaaasiyiinta damaca leh iyo bulshada isbadal doonka ah la mideeyo oo ay dagsadaan istiraatiijiyad iyo qorshayaal u ogolaanaayo in la helo sixitaanka wixii qaldamay lana abuuro jawi ka dhan ah danaysi iyo cadaalad darro tabasho xanbaarsan keeni doontana dhibaato iyo qalalaas wax yeeleeyo dadka iyo deegaanka.

2. In dib loogu laabto matalaadda golaha wakiiladda ayadoo lagu jaangooynaayo hadba tirada iyo deegaaanka dadka reer Jubbaland halkaas oo ay ka taagan tahay saluug iyo tabasho dhalisay in maamulka hadda jiro uu yeesho dhaliisha neceybka isku rogtay ee ka imaanayso dadka Soomaaliyeed ee degan deegaanadaan, tan micnaheedu waa in la saxo oo si dhab ah loogu fadhiisto soo xulista Xildhibaano tayo leh go’aamin karana talada Jubbaland laguna soo xulay hab saxan oo cadaalada waa faqsan sadbursi iyo danaysi gaar ahna ka dheer.

3. In dowlada Soomaaliya ay si buuxdo u soo faragaliso doorashada Jubbaland maadaama maamulka hadda jiro uu yahay mid aan ka tarjumayn danaha guud ee dadka iyo deegaanka, waxaana habboon in Wasaaradda arimaha guddaha iyo guddiga doorashooyinka hogaamiyaan habsami u socodka doorashada Jubbaland si ay u dhacdo doorasho loo simanyahay.

4. In la sameeyo guddigga xalinta khilaafaadka si loo turxaan bixiyo loona xaliyo tabashooyinka taagan iyo kuwa imaan doono.

5. In doorashada horteed dib loogu laabto hanaanka degmooyinka jubbaland wax loogu qaybiyay ayadoo dib u eegis lagu samaynaayo deegaanada aan dastuuriga u ahay helida Xildhibaano oo hadda maamulka jiro uu qasbaday.

6. In doorashada ka hor la isku raaco hanaanka loo wajahaayo sixida qaladaadka dadtuuriga ah ee uu ku dhacay maamulka jubbaland.

Qodobadaas oo dhan waan hubaa inuusan aqbalayn Axmed Madoobe iyo Maamulkiisa balse waxaa muhiim ah aragtidaas inay qaataan isbadal doonka Jubbaland ayadoo la muujinaayo doorka hogaaankeena dhaqank dowldda Soomaaliyana waxaa muhiim ah inay doorkeeda Mas’uuliyadeed dusha u ridato, anigoo qiraaayo kana marqaati kacaayo in saansaanta muuqato ee ku aadan doorashada Jubbaland inay tahay mid u muuqato danaysi duugaayo danaha guud ee dadka iyo deegaanada Jubbaland, taas oo ah dabin iyo darxumo hor leh oo soo foodsaari karto guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed.

W/Q: Maxamed Xasan Haliil

A senior Administrative expert and political activist

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.