Ciidamadii Kenya ee ka guuray Gedo ayaa kusii wajahan Kismaayo

Wararka ka imaanaya Gobolka Gedo ayaa waxa ay sheegayaan subaxnimadii saakay Ciidamo ka tirsan kuwa Kenya ay isaga baxeen deegaano ka tirsan Gobolka Gedo.

Ciidamadii Kenya ee ku sugnaa deegaanka lagu magacaabo Faafax dhuun iyo Buusaar oo ku yaalla Gobolka Gedo ayaa gabi ahaanba isaga baxeen.

Dad kusugan Faaxdhuun iyo Buusaar ayaa wariyaasha Gedo Times ee Gobolka Gedo u sheegay in dagaalyahano hubeysan oo ka tirsan Al-shabaab ay la wareegeen gacan ku heynta deegaanadaas.

Ciidamadii Kenya ee ka guuray xeryihii ay ku lahaayeen Gobolka Gedo ayaa waxa u guureen Magaalada Kismaayo halkaas oo Ciidamo Kenyaan ah oo badan ay ku sugan yihiin.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.