Sawiro:Kenya oo Beesha Caalamka u sheegtay Inaan Dhulka Kenya gorgortan gali karin

Wasiirka Arrimaha Dibedda ka ah dalka Kenya Moniko Juma ayaa sheegtay inay Golaha Ammaanka ee QM, Midowga Afrika, Yurubiyaanka iyo Carabta u gudbiyeen Muranka dhinaca Xuduud-badeedka ee u dhexeeya Kenya iyo Somalia khariidada xuduud-baddeedka ee ay labada waddan ku murunsan yihiin.

Wasiirada arimaha Dibada kenya ayaa tiri Waxaan warbixin kooban ka siinay xaalladda u dhexeysa Kenya iyo Somalia si ay faragelin ugu soo sameeyeaan xiisadda ka dhex taagan labada Waddan” ayey tiri Haweeneyda Wasiirka Arrimaha Dibedda ka ah dalka Kenya.

Wasiirada waxay kaloo Safiirada Caalamka u caddeysay in mar walba Kenya diyaar u tahay wada hadal si xalka ugu wanaagsan looga gaaro muranka u dhaxeeya labada dal, si dib loogu soo celiyo diblomaasiyaddii hakatay.

Hadalada iyo Ficilada ay Kenya ku kacayso ayaa waxay u eg yihiin kuwa aysan Jeclaysan Dowlada iyo shacabka Soomaliyeed loonabaahan yahay in Dowlada Soomaliya ka ficil celiso.
kenya

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.