Qaar kamida Wadooyinka Muqdisho oo loo Xiray Munaasabada

Qaar kamid ah wadooyinka magaalada Muqdisho ayaa saakay Xiran kadib markii la soo dhigay Ciidamo badan oo diidaya isticmaalka wadooyinka.

Ma jirto wax gaadiid ah oo saakay Isticmaalaya wadooyinka waxaana la arkayaa dadweyne lugaynaya oo ay ku jiraan arday iyo dad Xanuunsan.

Sababta loo xiray wadooyinka ayaa lagu sheegay in maanta Ciidamada Asluubta Soomaaliyeed ay dabaal dagayaan 49 sano Guuradii ka soo wareegatay Aas Aaskooda.

Madaxda dowladda ayaa ka qeyb-galaya Munaasabadda dabaal dagga ee Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed oo ku beegan maanta.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.