Maxaad ka ogtahay magaalada qurba-joogta looga soo Duceeyo

ibraahim

Waxaan safar ku joogay baryahaan dagmada Garbahaareey ee gobalka Gedo. Maalinti shalay ahayd waxaa dhagtayda kusoo dhacay hadal la hayay oo Qur’aan akhris ahaa. Waxaan sheekadi ka helay in ujeedku yahay duco iyo xirsi-xir loo sameeyo soomaalida qurbaha ku nool. Waxaan jeclaystay inaan wax badan ka ogaado waxaana codsaday in maanta aan ka qayb galo Alla bariga taasoo la ii ogolaaday.

Salaaddi Casar ka dib ayaan tagay goobta la ii sheegay in muraadku ka dhacayo. Waxaan koox koox u yimid wadaaddadi ducayn lahaa. Waxaa soo xaadiray 21 wadaad oo dhalinyaro aan labaatan gaarin u badan. Waxaa la keenay cunno fudud sida bun, daango, timir iyo cabbitaanno kala duwan. Cunto ka dib waxaa naloo qaybiyay boqol boqol kun oo Soomaalli ah. Waxaana la yiri akhriya waxaad kartaan oo Qur’aan ah duceeyana. Waxaa loo duceeyay dhammaan ummadda Soomaaliyeed ducadina waxaa lagu khatimay qurba-joogta oo aad iyo aad loogu duceeyay in Eeebbe dhowro iyaga iyo caruurtooda.

Waxaan codsaday in aan la kulmo agaasimayaasha Alla-bariga waxaana la yeeshay waraysi kooban. Waxaa howsha wado hooyooyin iksu xiran oo koox ah. Waxay qofkiiba ka qaadaan 100 kun oo Soomaali ah oo u dhiganta $4. Alla-bariga waxaa loo qabta bille mararna waxaa dhacda inuu noqdo bil dhaaf.

Waxaa la ii sheegay inuu socday muddo saddex sano oo uusan baaqan. Waxaase jirtay in shan sano ka hor mar la billaabay laakiin u kala go’ay marka bilowgiisa marka danbe ayaa loo nisbeeyaa maadama inuusan marnaba baaqan. Hooyooyin caruuro waxbarsho ooga aadeen waddamada Aasiya iyo Afrika ayaa bilowgi lahaa. Hooyinkaas ayaa u kulmay inay caruurtooda u xirsi-xirtaan maaddaama ay ahaayeen kuwa yaryar oo tahriibna looga cabsi qabay.

Marki in muddo ah ducudu socotay kuna jihaysnayd ardayda kaliya una muuqatay hooyooyinki waday in baryadi la aqblay ayay go’aansadeen inay ballaariyeen oo u ducooyeen inta qurbaha nool oo dhan. Waxaan waydiiyay sidi ay ku ogaadeen in ducadi la aqbalay. Waxay iigu jawaabeen caruurti ducada lagu jiheeyay midna kama tahriibin, kama saaqidin wax dhib ah lama kulmin intii ay maqnaayeen. Maadaama arrimihi laga ducaystay ay baaqdeen waxaa loo sababeeyay Alla-barigi. Waxay ii sheegeen hooyooyinkaas in hadda dad badan kusoo xirmeen oo uu batay dadka danaynayo inay lacag ku bixiyaan ducadi kheyrkaasna aysan ma maqnaan.

Halkaas waxaa laga dheehan karaa qiimaha hooyooyinka Soomaaliyeed. Waxaa muuqato jeceylka iyo lexojeclada ka haysa dadka Soomaaliyeed. Waxaa muuqdo sida dadka daggan Garbahaareeey walwal ooga qabaan dhib ku dhaca ummada soomaaliyeed taasoo tusaysa waddaniyad iyo galgacayl.

Waxaa kaloo iyana jirta, inkastoo ay dalka intiisa badan la qabaan, in dibadda dad badan ka jiro Garbahaareey tasoo ay dhici karto inay qayb ka tahay in loo gooni yeelo qurba-joogta. Sida ay doonto ha noqotee tani waa arrin u gaar ah Garbahaareey. Waa jid wanaag ah oo ay billaabeen mudanna in lagu daydo. Eebbe ha inoo aqbalo ducadooda hana nagu nabad yeelo meel walba oo aan joogno.

Reply
Reply all
Forward

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.