Kheyre oo ka tacsiyadeeyay geeridii ku timid Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqore

Kooxo dhaqar qabayaal ah ayaa goordhow magaalada Muqdisho ku dilay Alle ha naxariistee Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqore oo ka tirsanaa Xildhibaanada Golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

 

Ra’iisal wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa ka tacsiyadeeyay geeridii ku timid Alle ha u naxariistii Xildhibaan Cismaan Cilmi boqore oo kooxo dhaqar qabayaal ah ay ku dileen Muqdisho.

Ra’iisal wasaare Kheyre ayaa uga tacsiyadeeyay Qoyskii,Qaraabadii,Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliyeed oo uu ka baxay Xildhibaanka,isagoona Alle uga baryay inuu Janadii fardowso ka waraabiyo marxumka,Qoyskii iyo Qarankii uu ka baxayna samir iyo iimaan Alle ka siiyo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.