Sawiro:Gudoomiyihii Hore ee Deg,mada Luuq oo Xilka wareejiyey

luuq

Degmada Luuq ee Gobolka Gedo ayaa waxaa ka dhacday Munaasabad ay Xilalka kula kala wareegayeen Gudoomiyihii hore ee degmada luuq Maxamed Xuseen Cismaan Ganey iyo Gudoomiyaha cusub ee degmada luuq Maxamad Cabdullahi Mude Gardhuub.

Munaasabadaan ay xilka kula kala wareegayeen Gudoomiyaha Cusub iyo Gudoomiyihii Hore ee Degmada Luuq ayaa waxaa Goob Joog ka ahaa Qaar kamida Maamulka iyo qabaha Bulshada ee Degmada Luuq ee Gobolka Gedo.

Guudoomiyihii Hore ee Degmada Luuq Maxamed Xuseen Cismaan Ganey ayaa waxuu Masuul Dagan oo ay ka go’an tahay sidii uu ku hormarin lahaa Degmada luuq waxaana inta Xilka hayey ka qabtay Magaalada Luuq Amniga iyo Mashaariic ay kamid yihiin dhisamaha wadada weyn ee halbowlaha u ah Degmada, dhismaha Garoonka kubada cagta, dhismaha guriga dhalanyarida iyo kuwa kale oo badan.
Xuquuqda Masawirada Wariye Maxamed Kaafi Aadan “Kaafi UK”
luuq

luuq
luuq

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.