Daawo:Musharaxii Madaxwayne ee ugu horeeyey oo ku baaqa inay Ciidmada kenya Soomaliya ka baxaan

Xiririka Dowladaha Kenya iyo Soomaliya ayaa waxuu u eg yahay mid Sii xumaanaya iyadoo Dowlada Kenya ay wado Gardaro iyo Sharuudo aan Macquul ahayn ayaa waxaa Baaqyo kala duwan ka imaanayaa Shacabka iyo Siyaasiyinta Soomaliya ayakoo dalbanaya in layska dhacsho gardarada Kenya tii ugu dambaysay waxay ka timid Misharaxa Madaxwaynaha Jubbaland waxuuna ku baaqay in Ciidamada Kenya laga saaro dalka Soomaliya sida ugu dhaqsaha Badan.

Musharaxa Madaxwaynaha jubbaland Cabdi Maxamed Warsame Deeq Faandhe ayaa waxuu baaq u diray Dowlada Soomaliya isagoo ka codsaday inay Ciiidmada Kenya laba todabaad gudahood dalka Soomaliya kaga saarto ayadoo la kaashanaysa Midowga Afrika.

Dhanka Kale Musharaxa Madaxwaynaha Jubbaland Deeq faandhe ayaa waxuu kaloo Baaq udiray Ganacstada iyo shacka Soomaaliyeed ee kusugan kenya inay ka shaqeeyaan sidii ay hantidooda ugala bixi lahaayeen Dalka Kenya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.