class="post-template-default single single-post postid-53268 single-format-standard">
Gedo Times

Amisom oo Saldhig Boliis ka hirgeliyay Magaalada Baladweyne

balad

Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda Gobolka Hiiraan, C/raxiin Muxumed Taakooy, ayaa Xarigga ka jaray Saldhig Boliis oo laga hirgeliyay Magaalada Baladweyne.
Saldhiggan oo laga hirgeliyay Xaafadda Howl-wadaag ee Magaalada Baladweyne ayaa Saddexdii Bil ee ugu dambeysay waxaa ku soconayay dhismo iyo dayactir ay ka wadeen howl-galka Amisom iyo Maamulka Gobolka Hiiraan.
Guddoomiye ,Taakooy, ayaa ugu mahad celiyay Amisom iyo Dadka degaanka oo Gacan ka geystay taabba gelinta howshan, wuxuuna sheegay in ay soo dhoweynayaan sida habsamida leh ee ay shaqadu kusoo dhammaatay, wixii haatan ka dambeeyana ay Shacabka siin karaan adeeg tayo leh.
“Waxaan ku faraxsannahay in shaqada dayactirka la dhammeystiray iyadoo wixii hadda hadda ka dambeeyana ay Saraakiisheennu siin karaan adeegyo tayo leh oo tayo leh dadka Degaanka,” ayuu yiri Guddoomiye Taakooy.
Wuxuu sheegay in ay Magaaladu si dhaqsa ah u fideyso, horayna ay u lahayd oo keliya Hal Saldhig oo ku yaalla Xaafadda Kooshin, Kororka Bulshada awgeedna loo baahan yahay Saldhigyo kale.
Isku duwaha Booliska Amisom, ee arrimaha dib u dhiska, Maxwell Chikunguru, ayaa sheegay in howlaha dib u dhiska iyo dacay-tirka ah ee ay wadaan ay mudan tahay in lagu taageero, si loo soo celiyo tayadii Boloiiska Soomaaliyeed.

Kala soo xeriir Shabakada Gedo Times Cinwaankan hoose

gedotimes1@gmail.com

Leave a Reply

Your e-mail address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.