Sawiro:Mahdi oo La Kulmay Madaxweyne Ku-xigeenka Bankiga Horumarinta Islaamka

mahdi

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) iyo wafdi uu hoggaaminayo oo maalmahaan ku sugan dalka Boqortooyada Sacuudiga, ayaa maanta la kulmay Madaxwayne ku-xigeenka Bankiga Horumarinta Islaamka, Mansur Muhtar.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka iyo Mansur Muhtar ayaa ka wada hadlay horumarrada ay Soomaaliya ka samaysay dhanka dhaqaalaha iyo dadaaalka xooggan ee Madaxda Qaranku ugu jiraan in dhaqaalaha dalku uu heer sare gaaro.
Wafdiga uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ay kamid yihiin wassiirrada maaliyadda iyo xannaannada xoolaha, xoghayaha joogtada ah ee xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo mas’uuliyiin kale ayaa horay gudaha dalkaasi Sucuudiga kulamo kala duwan kula qaatay wasiirro iyo mas’uuliyiin kale oo madax ka ah hay’ado kala duwan.
mahdi

mahdi
mahdi

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.