class="post-template-default single single-post postid-53187 single-format-standard">
Gedo Times

Madaxweynaha Farmaajo oo dalka dib ugu soo laabtay

farmajo

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayey oo Booqasho shaqo kusoo kala bixiyey Wadamada Burundi iyo Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Jabuuti ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay.

Madaxweynaha JFS ayaa intii uu ku sugnaa dalka Burundi waxuu kulan uu la qaatay Madaxweynaha Burundi, isaggoo kala hadlay arrimo dhowr ah oo ay ugu muhiimsantahay siddii la isaga kaashan lahaa dagaal lagu jiro Kooxda Alshabaab, maadaama Burundi dalka Soomaaliya ay ka joogaan Ciidamo qeyb ka ah howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.
Sidoo kale Madaxweyne Farmaajo ayaa caasimada Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Jabuuti kulan kula yeeshay Madaxweynaha dalkaasi Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, waxaana ay kawada hadleen xiriirka walaaltinimo ee ay wadaagaan labada dal iyo sidii loo sii xoojin lahaa, iyaggoo kulankooda ku lafo-guray xaaladaha guud ee gobolka.

Kala soo xeriir Shabakada Gedo Times Cinwaankan hoose

gedotimes1@gmail.com

Leave a Reply

Your e-mail address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.