Kismaayo:Ururka RJA oo Cambaareeyey Dhalinyaro Xarig Sharci Daro ah Lagula Kacay

Dhaqdhaqaaqa RJA waxuu si buuxda u cambaareynayaa xariga iyo xadgudubka lagula kacay dhallinyarada kala ah;
1- Cabdirisaaq Cabaas Xaji Bile iyo
2- Abshir Axmed Xaashi
Raggan dhallinyarada ah waxaa si aan sharciga iyo qaanuunka madaniga ah waafaqsaneyn loogu xiray magaalada Kismaayo. Waxaa la inoo xaqiijiye in XABSIGA dhexdiisa handadaad iyo cagajugleyn loogu geystey.
Sababta xariga wiilashani waxaa lagu sheegay in aay ka dambeysey taageero aay taageereen Faysal Cabdullaahi Cabdi oo ah nin dhalinyara ah oo u sharaxnaa in uu ku biiro xildhibaanada maamulka Jubaland.
Waxaan madaxda maamulka iyo laamaha abniga qaabilsan ugu baaqeynaa in aay Cabdirisaaq iyo Abshir xoriyadoodii lagu xadgubay dib loogu soo celiyo.
Ciddii falkani maleegtey oo ka dambeysey ama ku luglaheedna si degdeg ah sharciga la horkeeno.
Yuusuf Ducaale,
gudoomiyaha RJA

yusuf

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.