Kooxda Argagixisada Shabab oo Weeraray Saldhiga Ciidanka Jubaland ee Baar Sanguuni

shabab

Ururuka Argagixisada Alshabaab ayaa xalay weerar madaafiid ah waxa ay kun weerareen deegaanka Baar-saanguuni ee gobalka Jubada Hoose, waxaa Xalay Qarax Madaafiicda laga maqlayay saldhiga ciidanka jubaland ay ku leeyihiin deegaanka Baarsanguuni.

Wararka ka imaanaya Baarsanguuni ayaa waxa ay sheegeen ilaa Afar madfac inay ku soo dhaceen deegaanka Baarsaguuni dhanka kale Alshabaab ayaa sheegatay in weerar madaafiic ah ay ku qaadeen saldhigaan ciidanka Jubaland iyo kuwa dowladda ee deegaanka Baar-sanguuni ee gobalka Jubada hoose.

Saraakiisha Maamulka Jubbaland oo aan la xiriirnay waxa ay sheegeen in aysan jirin waxa khasaara ah oo ka dhashay hoobiyaashaas ay Shabaabku ku weerareen Saldhiga milatari sidaan oo kale ayaa dhowr jeer waxaa madaafiic loogu garaacay saldhigaan iyada oo ay sii dheereed weerar toos ah oo Alshabaab ay marar badan ku qaadeen.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.