Dhageyso:Musharaxa Madaxwaynaha Jubbaland ayaa ku gacansayray Qodabadii kasoo Baxay Shirkii Gaandi Kismaayo ku qabtay

axmed

Magaalada kismaayo Xarunta ku meel gaarka ah ee maamulka Jubbaland waxaa lagu soo gaba gabeeyey kulan uu soo qaban qaabiyey Xildhibaan Maxamed Cabdi Gaandhi oo kamida Xildhibaanada Dowlada Federaalka ah ee Soomaliya, kulankaan ayaa waxaa lagu taageerayey dhaqaalana ku bixiyey Hogaamiyaha Jubbaland Axmed madoobe.
Kulankaan uu soo qaban qaabiyey Gaandhi ayaa waxaa laga soo saaray qodobo ay kamid yihiin in tix galin lagu siiyo doorashada Madaxwaynaha Jubbaland dadkii usoo halgamay Jubbaland oo ay kamid yihiin Gaandhi iyo Axmed Madoobe.
Musharaxa Madaxwaynaha jubbaland Cabdi Maxamed warsame “Deeq Faandhe” oo saaxafada wax kawaydiisay qodabadii kasoo baxay Shirkii Gaandhi horboodaayey ayaa waxuu sheegay inaan marnaba la aqali Karin go’aamada kasoo baxay shirka Gaandhi iyo Axmed madoobe mana ahayn shir Bulshada Jubbaland ay aayaheeda kaga tashanaysay.
Dhanka Kale Musharax Deeq Faandhe ayaa waxuu sheegay inaan wax tixgalina aysan helayn Axmed Madoobe iyo Gaandhi aan ka hayn mida ay ula siman yihiin Bulshada Jubbaland .

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.