Muuqaal:59 guuradii kasoo wareegatay aas aaska Ciiidanka Cirka Soomaaliya

Munaasabadaan oo lagu xusayey sanadguuradii 59aad ee kasoo wareegtay aas-aaska Ciidanka Cirka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa lagu qabtay Gudaha Xerada Ciidamada Cirka ee Afaziyooni.
Waxaa Munaasabadaasi ka qeyb galay Wasiir Dawlaha Wasaaradda gaashandhigga Xukuumada Federalka Soomaaliya,Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliya, qaar kamid ah Taliyeyaashii hore ee CXDS, Saraakiil ka Socotay Ciidanka Turkiga iyo marti sharaf kale.
Taliyaha Ciidanka Cirka ee Xoogga Dalka Soomaaliya General Maxamuud Sheikh Cali oo ka hadlay Munaasabadda ayaa ka sheekeeyey Waxqabadka iyo Taariikhda Ciidamada Cirka ee Xoogga Dalka Soomaaliya iyo sidoo kale Qorsheyaasha Horumarineed ee ay hiigsanayaan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.