Daawo:Gaadi oo Kismaayo ku qabtay kulan lagu taageerayey Axmed madoobe

axmed

Magaalada kismaayo Xarunta ku meel gaarka ah ee maamulka Jubbaland waxaa kulan ku qabay Xildhibaan Maxamed Cabdi Gaandhi oo kamida Xildhibaanada Dowlada Federaalka ah ee Soomaliya, kulankaan ayaa waxaa lagu taageerayey dhaqaalana ku bixiyey Hogaamiyaha Jubbaland Axmed madoobe.

Kulankaan uu Horboodaayo Xildhibaan Gaandhi ayaa waxaa loogu yeeray Shirka watashiga iyo midnimada bulshada Jubbaland lakiin ma ahayn mid jubbaland lagu midaynayo ee waxuu ahaa mid taageero loogu muujinaayo Hogaamiyaha Fashilmay ee axmed Madoobe.

Shacabka Magaalada Kismaayo wax shira oo ku saabsan arimaha bulshada ama siyaasada kuma qaban karaan Kismaayo ilaa Ogolaansho laga Helo Axmed madoobe oo hada ah kan ugu sareeya una hooseeya Jubbaland wax kasta oo Kismaayo laga fulnaayo waa in asaga la ogaysiiyaa taasina waxay ka mid tahay dhibaatada Axmed madoobe ku hayo shacabka Jubbaland.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.