Beesha Reer Siyaad Ugaas oo Shirkoodii Wadatashiga Ku dhawaaqday

rersiyaad

Guddiga qabanqaabada Beesha Reer Siyaad Ugaas ee degta Gobaladda Gedo,Jubbooyinka iyo Galgaduud ayaa ku dhawaaqay shirweynihii wadatashi ee ay beeshaasu yeelan lahayd.

Shirkaan ayaa lagu wadaa inuu ka dhaco Caasimada Gobalka Gedo ee Garbahareey iyadoo ay kasoo qayb gali doonaan ergo kala imaan doonto gudaha Soomaaliya iyo Caalamka daafihiisa.

Shirwaynahaan oo ah mid aad muhiim ah kuna soo aadayo xilli xasaasi ah, ayaa waxaa diiradda lagu saari doonaa qodabo ay ka mid yihiin Dhaqanka, Nabada iyo Horumarinta deegaamada ay beeshu u degto sida gaarka ah iyo guudba.

Sidoo kale shirka waxaa lagu lafaguridoonaa sidii loo xoojin lahaa nabada iyo xiriirka ay beeshu la leedahay beelaha kale ee ay walaalaha yihiin iyo guud ahaanba beelaha Soomaaliyeed ee ay wadaagaan deegaanka, dhaqanka, Soomaalinimada iyo Islaamnimada intaba.

Gabagabada shirkaan ayaa la filayaa inay kasoo baxaan qodabo wax ku ool ah saamayna ku yeelan doono aayaha iyo mustaqbalka deegaamada ay beeshu degto sida gaarka ah iyo sida guudba.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.