Amisom oo Dajisay Istaraatijiyada cusub oo ka dhanka ah Kooxda Argagixisada Shabaab

amisom

Jeneral Tigabu Yilma Wondimhunegn Taliyaha cusub ee Ciidanka AMISOM ayaa sheegay in ay dajiyeen Istaraatijiyada cusub oo la xiriirta weerarada ka dhanka ah Shabaab, kaas oo lagu beegsanaayo hadafyo bartilmaameed oo cayiman.
AMISOM way iska deyn doontaa Ciidamadii iyo gaadiidkii faraha badnaa ee mar kaliya duulaan ku qaadi jiray Al-Shabaab, taasoo qaraxyo waddooyinka lagula eegto uu khasaare xooggan ka soo gaari jiray ciidamada.
Sida uu sheegay Jeneral Tigabu Yilma Wondimhunegn qorshaha cusub waxaa ka mid ah in la xiro saldhigyo badan oo ay AMISOM ku leeyihiin gobolada qaar marka ay dalka isaga baxaan illaa 1,000 askari oo ka mid ah Ciidanka Burundi oo dhamaadka bishan ka baxaya gobolka Shabeellaha Dhexe.
Taliyaha cusub ee ciidanka AMISOM Tigabu Yilma Wondimhunegn ayaa madaxda howlgalka ku qanciyey qorshahaan cusub, wuxuuna tilmaamay in arrintan ay meesha ka saareyso in Al-Shabaabku sameeyaan dhaqdhaqaaqyo xor ah oo ay magaalooyinka isaga kala gooshi karaan, iyagoo aan wax cabsi ah qabin.
Qorshaha cusub waxaa kamid ah in Ciidanka AMISOM ay duulaan qorsheysan ku qaadaan deegaano lasoo sahmiyay oo la hubo in ay Al-Shabaabku joogaan, weerarka kadibna ciidanku waxay dib ugu soo laaban doonaan goobihii ay weerarka kasoo qaadeen.
Ciidanka Mareykanka iyo kuwa Kumaandooska Soomaaliya ayaa iminka isticmaala qorshe kan oo kale ah, waxayna weerarro qorsheysan ku qaadaan saldhigyada ay joogaan Hoggaanka iyo dagaalamayaasha Al-Shabaab.
Ciidamada AMISOM ma haystaan diyaarado ay ku fuliyaan weerarada gaarka ah, haddii ay qaadaan mid dhulka ah waxay wajihi karaan qaraxyo iyo dagaal toos ah, lamana oga sida qorshahaan cusub ugu hirgali karo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.