Daawo:Masuliyiinta iyo madaxda Buurdhuubo ayaa Madaxda Dowlada ka codsaday in lasoo daayo Taliye Turbac

turbac

Madaxda iyo Ciidamada xooga dalka Soomaliya ee ku sugan degmada Buurdhuubo ee gobolka Gedo ayaa ka dalbaday madaxda sare ee dowlada federaalka ah ee Soomaliya inay xoriyadiisa ay dib ugu soo celiyaan taliyaha ururka 49 aad ee degmada baardheere faarax Cabdinuur turbac oo mudo ku xiran magaalada muqdisho.

Taliye Turbac ayaa waxuu kamid ahaa Taliyaashii Shabaab kasaaray Gobolka Gedo waxaayna masuuliyiinta iyo Ciidamada ku sugan Degmada Buurdhuubo ka codsadeen in sidii ugu dhaqsaha Badan loo sii daayo Taliye faarax Cabdinuur turbac oo si dharci daro ugu Xiran Magaalada Muqdisho.

Taliye Turbac ayaa waxaa loo xiray sida lasheegayo inuu rag Shabab ah Laayey, Sanadkii hore dhamaadkiisa ayey ahayd markii Taliyaha Cioidamada Xooga dalka Soomaliya Indhoqrashe Amar ku bixiyey Shababkii laqabto waa in isla Goobta lagu Toogtaa.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.