Daawo:Axmed Madoobe oo Gadiidka kismaayo dul dhigay canshuur iyo Shacabkii oo Ka horyimid

axmed madoobe

Magaalada Kismaayo xarunta Ku meelgaarka ah ee Jubbaland ayaa waxaa kajira dhaqaalo xumo balaaran iyo Busaarad soo foodsaartay maamulka iyo bulshada ku nool Magaalada kismaayo, shaqalaha maamulka Jubbaland ee kusugan Kismaayo 7 bilood wax mushaar ah ma qaadan.

Hogaamiyaha Jubbaland Axmed madoobe si uu dhaqaalo u helo ayuu waxuu Canshuur aysan awoodin shacabka Kismaayo kusoo rogay Guryaha, maantana waxaa Cashuur kale oo loogu yeeray canshuuraha waddo Marista lagu soo rogay gadiidka waxayna bilaabanaysaa Maalinta Arbacada oo taariiqdu tahay 19-February 2019 .

Shacabka Kismaayo oo wadooyinka soo gala Magaalada Ksimaayo Alshabab ka xireen meesha kale ee u furana ay tahay Bada iyo Cirka ayaa waxay sheegen inaysan bixin Karin canshuurtaan kale oo Gadiidka la dulsaaray.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.