- Akhriso:Ra’iisalwasaraha Itoobiya oo Maamulka Somaliland u sheegay inay lakulmaan Dowlada Somaliya
- Madaxweyne Lafta Gareenayaa Kormeeray Isbitaalka Guud ee Baydhab
- Madaxweynaha Farmaajo oo dalka dib ugu soo laabtay
- Sawiro:Mahdi oo La Kulmay Madaxweyne Ku-xigeenka Bankiga Horumarinta Islaamka
- Daawo:Ceebta ka dhacday Puntland Shaqaalo aan 3 Sano Mushaar Qaadan
Dowladda Somaliya oo sheegtay iney dadaal ugu jirto soo saarista Kheyraadka dabiiciga ah ee dalka
- Updated: 11th February 2019

Wasiirka Batroolka iyo macdanta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdirashiid Maxamed Axmed ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay dadaal ugu jirto sidii loo soo saari lahaa Kheyraadka dabiiciga ah ee dalka.
Wuxuu sheegay Wasiirka Batroolka iyo Macdanda Dowladda Federaalka in arrintaan loo marayo shuruuxda dalka iyo xeerarka caalamiga ah.
Wasiirka ayaa hadalkaan ka sheegay magaalada Lodon halkaasi oo uu kula hadlayay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Ingiriiska,isagoona faah faahin buuxda ka siiyay shirkii arrimaha shidaalka Soomaaliya ee lagu soo gabagabeeyay magaalada London.
Isagoo hadalkiisa sii wato ayuu Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Xukuumadda Soomaaliya Cabdirashiid Maxamed Axmed wuxuu xusay in ahmiyadda shirkaasi uu ahaa in la isku waydaarsado macluumaadka baaritaanada laga sameeyey Soomaaliya ee ku aadan Shidaalka,shirkadaha arrintaasi danaynayana loo bandhigo.
Ugu danbeyntii,Wasiirka ayaa xusay in shirkan laga faafiyey macluumaad aan sax ahayn, balse xaqiiqdu ay tahay in dawladdu doonayso si hufan oo lagu wada kalsoonaan karo in loo maro geedi socodka shidaal baarista iyo soo saaristiisaba.