Madaxweyne Farmaajo ayaa ka qayb galay casho loo sameeyay madaxda ka soo qayb gashay Shir Madaxeedka Afrika

Addis Ababa Feb 10 2019:Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa caawa ka qayb galay casho uu Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Mudane Abiy Axmed u fidiyay madaxdii ka soo qayb gashay Shir Madaxeedka Midowga Afrika ee ka furmaya Addis Ababa.
Shir Madaxeedka Midowga Afrika oo barri furmaya ayaa sannadkan lagu lafo-gurayaa sidii xal waara loogu heli lahaa dhibaatada qaxootiga iyo barakacaayasha Qaaradda Afrika, iyo sidii gacan looga geysan lahaa wax ka qabashada dhibaatooyinka nololeed ee ku xeeran.
Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa hadal-jeedin ku leh shirka waxuuna khudbadiisa diiradda ku saarayaa xal-u-helidda iyo maaraynta qaxootiga iyo barakacayaasha ku dhibaataysan dalalka Afrika, gaar ahaan kuwa Soomaaliyeed ee ku sugan dalalka deriska ah, isaga oo soo bandhigi doona qorshaha dowladda ee ku aadan arrintan.

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.