Madaxweynaha Dowladda Puntland oo Magacaabay Golaha Xukuumadda Dowladda Puntland.

deni

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni ayaa xeer Madaxweyne Lr- 01 Feebaraayo 10 2019 ku magacaabay Golaha Xukuumadda dowladda Puntland.

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland qodobkiisa 80-aad firqaddiisa 5-aad

Markuu la tashaday: Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland.

Markuu Tixgeliyey: baahida loo qabo magacaabista golaha xukuumadda dowladda Puntland oo aqoon, karti, waaya aragnimo u leh xilka loo igmaday

Markuu garawsaday: shaqada baaxadda leh ee shacabka Puntland ka sugayo Madaxweynaha dowladda Puntland.

Wuxuu Magacaabay Golaha Xukuumaddan hoose.

1. Wasiiirka Wasaaradda Cadaaladda Cawil Sheikh Xaamud

2. Wasiirka Arimaha Gudaha Federalka Mohamed Abdirahman Dhabancad

3. Wasiirka Amniga iyo DDRTa Cabdisamad maxamed Gallan

4. Wasiirka Maaliyadda Xassan Shire Abgaal

5. Wasiirka Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah Cabdiqafaar Cilmi Xaange

6. Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Cabdullaahi maxamed Xassan

7. Wasiirka Caafimaadka Dr, Jaamac Faarax Xassan

8. Wasiirka Howlaha guud, gaadiidka iyo guryeynta Axmed Bashiir Muuse

9. Wasiirka Dekeddaha & Gaadiidka Badda Maxamed Cabdi Cismaan Majaajiyo.

10. Wasiirka Duulista Hawada iyo Garoomada Xusseen Cismaan Lugatoor (Gabilay)

11. Wasiirka Haweenka & Horumarinta Qoyska Aamina cisman Xaaji Jaamac

12. Wasiirka Warfaafinta, Isgaarsiinta & Dalxiiska Cali Xassan Axmed Sabareey

13. Wasiirka Xanaanada Xoolaha Siciid Cismaan Aden

14. Wasiirka Deegaanka, Beeraha & Waraabka Ismaaciil Diiriye Gacmadiid

15. Wasiirka Ganacsiga, Warshadaha iyo Maalgashuga Cabdullaahi Cabdi Xirsi

16. Wasiirka Kalluumeysiga & Kheyraadka Badda Faarax Maxamuud Cawaash

17. Wasiirka Shaqada, Shaqaalaha, Dhalinyaradda & Ciyaaraha Jaamac Faarax Muuse

18. Wasiirka Tamarta, Macdanta & Biyaha Axmed Maxamed Yuusuf (Taaran)

Wasiir kuxigeeno.

1- Wasiir kuxigeenka Cadaaladda & Arrimaha Diinta Maxamed Cali Faarax

2- Wasiir kuxigeenka Arrimaha gudaha, Faderaalka & Dimuquraadiyadda Cabdiweli Mire Xirsi iyo Maxamed Musadaq Maxamed

3- Wasiir kuxigeenka Amniga & DDRTA Yuusuf Maxamed Ismaaciil.

4- Wasiir kuxigeenka Maaliyadda Cumar Xassan Fiqi iyo Yaasiin Ibraahin Ciise.

5- Wasiir kuxigeenka Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha & Iskaashiga caalamiga Yaasiin Mire Maxamuud.

6- Wasiir kuxigeenka Waxbarashada & Tacliinta Sare Mukhtaar Maxamuud Xassan Jayte

7- Wasiir kuxigeenka Caafimaadka Cabdinaasir Yuusuf Xaaji Xirsi

8- Wasiir kuxigeenka Howlaha guud & Guryeynta Maxamed Xuseen Xaashi

9- Wasiir kuxigeenka Dekeddaha iyo Gaadiidka Badda Yaasiin Cartan Maxamed

10- Wasiir kuxigeenka Duulista Hawada iyo Garoomada Sucaad Saalax Nuur

11- Wasiir kuxigeenka Horumarinta Qoyska & Haweenka Sahro Cabdi Xirsi

12- Wasiir kuxigeenka Warfaafinta, Isgaarsiinta & Dalxiiska Cabdisalaan Xaaji Siciid Faarax

13- Wasiir kuxigeenka Xanaanada Xoolaha Cabdiweli Seed Cali

14- Wasiir kuxigeenka Beeraha iyo Waraabka Maxamed Xassan Ciise iyo Faaisa Cali ismaaciil.

15- Wasiir kuxigeenka Ganacsiga, Warshadaha iyo Maalgashiga Mustafa Daahir Aden

16- Wasiir kuxigeenka Kalluumeysiga & Kheyraadka badda Cabdikhaaliq Maxamed Maxamuud

17- Wasiir kuxigeenka Shaqada, Shaqaalaha, Dhalinyaradda & Ciyaaraha Axmed Cabdiraxmaan Xirsi

18- Wasiir kuxigeenka Tamarta, Macdanta & Biyaha Maxamed Bashiir Cabdullaahi

Wasiiru dowlayaasha

1- Wasiiru dowlaha Madaxtooyada ee Arrimaha Dastuurka Saalax Xabiib Jaamac

2- Wasiiru dowlaha Arrimaha gudaha, Faderaalka & Dimuquraadiyadda Maxamed Axmed Kunle

3- Wasiiru dowlaha Maaliyadda Maxamed Cabdulqaadir Cismaan

4- Wasiiru dowlaha Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalah iyo Iskaashiga caalamiga ah Cabdiraxmaan Caydiid Ibraahim

5- Wasiiru dowlaha Waxbarashada & Tacliinta Sare Cabdullaahi Xassan Roobke.

6- Wasiiru dowlaha Caafimaadka Sayid Cumar Guuleed

7- Wasiiru dowlaha Duulista Hawada & Garoomada Maxamed Xassan Kiili.

8- Wasiiru dowlaha Deegaanka, Beeraha & Waraabka Cabdirashiid Cali Geelle.

9- Wasiiru dowlaha Kalluumeysiga iyo Kheyraadka badda Cabdiqani Geelle Max’ed.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.